Faahfaahin qarax gaari oo ka dhacay wado aada madaarka Muqdisho. Qaraxan oo ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxa wadey naftii halige ka tirsan argagixisada Shabaab.
Argagixisada Shabaab ayaa waxa weeraro lagu xasuuqo Muslimiinta ayagoo adeegsada caruur aan caqligooda ku filneyn.
Naftii haligahan ayaa isku qaadey fariisin asy ciidamada nabadsugidu ku baaraan gawaadhida aada madaarka, halklaas oo rasaas ooda loogha qaadey halkaana uu u qarxay gaarigii.
Dhimashada ayaa la xaqiijiyay inay tahay naftii haligihii argagixisada ahaa iyo dhaawaca sadex askari oo goobta ilaalinayay.
Is qarxintan argagixisada ayaa imaanaya ayadoo mar sii horeysay la furey wadooyin Muqdisho qaar oo xirnaa maadaaama uu orod ka jirey masgaalada at qabanqaabisay wasaarada dhalinyarada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS