X

Faahfaahin qarax ka dhacay Boosaaso ee Puntland: SAWIRO

Faahfaahin qarax ka dhacay gobolka Bari ee Puntland. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ka dhacay uu geystay Ruux la sheegay in uu gaari gacan ku waday waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in qofkaasi uu ku qarxay Afaafta hore ee Saldhiga bartamaha magaalada isla markaana qofkii qaraxa waday uu ku dhintey.

C/rashiid C/raxiin Ismaaciil, Taiyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland, ayaa yiri “kooxaha Argagixisada waxa ay qarax soo saareen gaari gacan”, hase ahaatee ay fashiliyeen ciidamada, sida uu yiri.

“Waxaan shacabka u sheegaynaa in aysan wax dhib ah jirin, Shayaadiintii baa waxay qarax ku soo rareen gaari gacan, ka dib markii ay ciidamadu ka war helayn shaydaankii waday baa meel cidlo ah isku qarxiyay.” Ayuu yiri Taliyaha.



Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo aan badneyn oo fudfudud oo ka filirka ka dhashay qaraxaasi. Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay joojiyeen ninka isqarxiyay , islamarkaana uu diiday kadibna uu qarxay.

Argagixisada ayaa qarax ku dishey dad ku dhow 400 magaalada Muqdisho usbuuc iyo badh kahor.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.