X

Faahfaahin Qarax kooxda gaaleynta Muslimiintu ka fulisay Muqdisho: SAWIRO

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baaysa qarax kooxda gaaleynta Muslimiintu ka fulisay Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama. Waxa jira khasaare ayadoo wadadu mashquul tahay.


Labo gaari ayaa ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada gaari ay haayeen kuwo lagu xiray  waxyaabaha Qarxa.

Gaariga Koowaad ayaa ku qarxay Bartamaha Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Gaariga Labaad ayaa ku qarxay degaandega Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in gaarigaasi uusan geysan Khasaare badan, qoftii watay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.


Ilaa hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee kooxda gaaleyta Muslimiintu ka gaysatey magaalada. Weerarada fuleynimo ee noocana ayaan muddo dhamaanayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.