X

Faahfaahin qarax miino oo la kacday isla argagixisadii dhigayay duleedka degmada Balcad

Faahfaahin qarax miino ayaa la kacday isla argagixisadii dhigayay duleedka degmada Balcad.

Miinada ayaa waxa ay ku Qaraxday Afar qof oo la sheegay in ahaayeen dadkii dhigayay, kuwaasi oo isla goobta ku naf waayay, waxaana saakay jirkooda oo go’go’ay lagu arkay goobtii uu Qaraxa ka dhacay.



Warar Madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in Miinada la doonayay in lagu Qarxiyo Gaadiidka Ciidanka Dowladda ay wataan ee isticmaala wadadaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku farxay argagixisada ay la duushey

Argagixisada ayaa inta badan lagu yaqaan inay miinooyin dhulka ku aasaan ayagoo ka baqaya inay si toosa u dagaalamaan maadaama ay janno isku balan qaadeen.



Waa miinadii labaad ee ku qaraxda dad masaakiin isla bishan. Xasuuqa argagixisadu gaysatey bishan ayaa diley ugu yaqaan shan boqol oo Somali ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.