Wararka u dambeeya ee aanu helayno ayaa sheegaya in weerarkii xalay lagu khaarajin rabay Ramaax uu ahaa mid qorsheysan oo muddo laga soo shaqaynayay. Wararka ayaa sheegaya in Ramaax ilaaladiisa markiiba dhulka lala simay laakiin ragii weerarka waday ay dhaafi waayeen albaabka weyn ee laga galo gurigiisa taasina ay keentay in askar joogtey meel aan sidaa uga fogeyn gurmad ahaan ku soo gaareen.
Waxay goobta ugu tageen Ramaax oo macamis xidhan kuna dhow in uu gidaarka ka boodo. Waxa markaasi la is waydaarsaday rasaas ciidankii gurmadka ahaa iyo ragii soo weeraray Ramaax. Iyadoo xilliga weerarka dhacayo ay ahayd xilliga hurdadu ugu macaantahay waxa wararku nagu soo gaarayaan in ragii dib uga noqdeen guriga.
Ma jirin wax is eryad ah cabsi haysatay askarta gurmadka ugu yimi awgeed waxay xooga saareen in ay ku mintidaan in ay guriga hantiyaan. Intaas kadib waxa is taagtey rasaasta oo laga maqlayay qaybo ka mida magaalada maadaama sanqadhu yartahay.
Askartii gurmadka ayaa dalbaday askar oo ka imanaysay Hargeysa waxana hadda ku sugan gurigiisa askar lagu qiyaasay 100 oo dhufaysyo iyo isbaarooyin ka sameeyay agagaarka guriga Ramaax.
Ilaa hadda waxaan isku daynay in aan helno tirada rag weerarka soo qaaday iyo kacdoonka qaybta ay ka tirsan yihiin. Warar kale ayaa sheegaya in Ramaax markiiba iska xirxirey odayaal aan shaqo ku lahayn dhacdadan.
Si kastaba ha ahaatee magaalada ayaa degan mana jiraan cid dareentay weerarka lagu qaaday Ramaax laakiin dadku maqlayeen kaliya rasaasta. Weerarkan ayaa weji cusub u furey Ramaax isagoo hadda habeenadii u seexan doona cabsi xaga dhinaca kacdoonkana iyadna ay la soo baxeen khidad cusub.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM