X

Faahfaahinta weerar isqarxin oo ka dhacay Buuhoodle

Faahfaahinta weerar isqarxin oo ka dhacay Buuhoodle. Waxa xalay fiidkii weerar isqarxin uu ka dhacay gobolka Cayn ee Buuhoodle halkaas oo ay ku dhinteen madax ka tirsan Khaatumo iyo la taliyeyaal hore oo ka tirsan dawlada Somaliya.


Inta la xaqiijay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqdey Cumar C/rashiid ayaa ku dhintey.

Bandow ayaa xalay ilaa saaka magaalada ay ku soo rogeen ciidamada kala duwan ee kala taabacsan maamulada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.


Madaxweynaha Khaatumo Cabd Cagalule ayaa ka Hadley weerarkan fuleynimo ee ka dhacay Buuhoodle wuxuuna dalbay in la xaqiijiyo cida weerarka fulisay.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Buuhodle oo siyaasad ahaan ka fog maamulada Somaliland iyo Puntland kana dheer dawlada Somaliya.


Waxa dad badan is waydiin karaan cida fulisay iyo waxa loo beegsaday wasiirkii hore ee Khaatumo iyo in ay weerarkan soo abaabushey Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.