X

Fadeexad: dhalinyar Hargeysa laga keenay oo Boorama calanka ku dhexgubey iyo dumar afka xidhan

Fadeexadii ugu weynayd ayaa Muuuse Biixi kula kacay gobolka Awdal isagoo dhalinyar ka keenay Hargeysa calanka qaranka ku guba, kadibna gabadh tiri joojiya mar labaad jeelka dhigey. Sheekadan cusub ayaa timi markii dhalinyartan oo lagu dhex daray waxoogaa shilimaad loo tuurey o reer Boorama ay shir jaraaid qabteen.


Dadka lagu dhex daray waxa ku jirey haween afka soo xidhey si aan loo garan mowqifkooda saxda ah. Waxay aflagaado u gaysteen qaranka ayagoo reer Awdalna isku dayay inay ka dhigaan kuwa beesha dhexe daba socda ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Waxaan maanta daawanay badhasaabka oo markale isugu yeeray odayada ay biilaan una sheegay inay is muujiyaan, waxayna afka ku balaarsheen madaxwynaha qaranka Farmaajo oo aan ogeynba inay jiraan ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Waxa taas ka sii daran kan yaree kursigaba welli dabada saarin ee gudoomiyaha degmada oo caruurta SNM ka qafaalatey Boorama ku tilmaamay caruur Koofur u dhalatey calaashaan qabiil, halka badhasaabka ISAAQ isna ku tilmaamay in abti loo yahay.

Hoos ka daawo ayagoo Boorama soo kiciya dumar afka xidhan

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.