X

FADEEXAD: Dr Bayle oo loo diidan yahay in uu shaqadiisa guto iyo garyaqaan warqad soo qorey

Wasiirka maaliyada dawlada Somaliya Dr Bayle ayaa loo diidan yahay in uu shaqadiisa guto iyo garyaqaan warqad soo qorey. Fadeexadan aya timi ayadoo RW uu isku haysto in uu dalka kaligi xukumi karo.

RW Kheyre oo musuqmaasuq baahsan hore ugu jirey welina aan ummada u soo bandhigin inta uu qayb ahaan ku lahaa musuqii shirkada bugta ah ee SOMAOIL.

Wararka qaar ayaa qoraya in RW Kheyre uu diidey in dakhligu si toosa ugu dhaco oo uu kala diro shirkado ay leeyihiin niman saaxiibo la ah Xasan Sheekh oo hadda Turkiga fadhiya.

Qarash bixinta Miisaaniyadda dowladda, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu toos ula wareegay qarash bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka, ciidamada dowladda iyo lacagaha howlaha Wasaaradaha lagu wado.

Dakhliga



Dar dar gelinta dakhliga ayaa qeyb ka ah kordhinta dakhliga soo gala dowladda, iyadoo markii hore miisaaniyadda dowladda ay aheyd 240,milyan, hadana laga dhigay 263 milyan, ayaa waxay qasbeysaa in la kordhiyo dakhliga dowladda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hor istaagay dar dar gelinta dakhliga dowladda, isagoo difaacay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gacanta ku haya howlaha dakhliga dowladda, sida Canshuurta iyo adeega ay dowladda qabato.

Canshuur dhaafka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wareegay Canshuur dhaafka Wasaaradda Maaliyadda, taasoo uu sharciga sheegayo in canshuur dhaafka ay mareyso Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimaha Furdada.

Canshuur dhaafka ayaa loo sameeyaa hey’adaha aan dowliga aheyn, sida UN-ka, AMISOM, Bisha Cas, Safaaradaha iyo NGO-yada kale, taasoo uu xaq u leeyahay Wasiirka Maaliyadda, kaddibna ay marto Agaasimaha Furdada, isla markaana loo gudbiyo Maamulaha Furdada ee Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan Dekeda Muqdisho, sida uu qabo Sharciga cashuuraha.



Arrinta ugu weyn ee ka dhalatay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa aheyd, kaddib markii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu amar ku bixiyay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qabta adeegyada bulshada in lacagaha ay ku soo shubaan Bankiga Dhexe, taasoo shirkadaha ay ashkato ahaan ugu tageen Ra’iisul Wasaaraha.

Fadeexadan ayaa ah ku hubo iyo nin jeclaysi tan oo wax u dhimaysa hanaanka dawli ee Somalidu filayeen. Garyaqaanka guud ayaa warqad u qorey RW uu ku diidan yahay soo farogashiga arimaha wasaarada.

Wasiirka ayaa beeniyay warkan kuna tilmaamay mid aan sax ahayn waxase looga fadhiyaa RW Kheyre in uu isna cadeeyo.

Hoos ka akhriso warqada RW loogu sharaxayo sharciga

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.