War fadeexada ayaa lagu qorey in Somaliya qaadatay shilimaad laga naxo oo ay qaateen isla maalintii Xasan Sheekh xiriirka u jaray IRAN. Lacagtan oo sharaf DHAC ku ah shacabka Somaliyeed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay tahay kaliya wax aan xiriirka loogu jari Karin dawlad dhan oo Muslim ah isla markaana awood leh.
Warbixintan oo ay heshay wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in shilimaadka la siiyay Xasan Sheekh iyo inta ku xeeran uu gaarayo isku geyn 50 milyan oo aan meelna kaga filayn kharaashaadka dawlada iyo ciidamada ama horumarinada kale ee dalka.
Lacagtan oo loo badinayo in ay runtahay waa fadeexad weyn oo dul hoogan Xasan Sheekh iyo inta ku xeeran waxana muhiima in uu maamulkiisu ka hadlo sida ay wax uga jiraan una cadeeyo ummada Somaliyeed ee la xumeeyay xiriirka wadan muslima.
Lacagtan ay wakaaladu ku aragtey warqado la siiyay safaarada Somalida ee Kiiniya ayaa lagu kala sheegay in 20 milyan loo isticmaalayo miisaaniyada dalka halka 30-ka milyan ee kale loo isticmaalayo horumarino aan la sheegin waxa ay yihiin oo ay ku Jiri ama loo isticmaali karo doorasho iyadoo lacagtan la soo marinayo hay’ad Sucuudigu leeyahay.
C/llaasahi Warmooge
ARAABINEWS