X

Fadhigii dooda ee ansixinta dekeda Berbera oo lagu guldaraystey

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wararka immika naga soo gaadhaya xarunta aqalka wakiilada Somaliland ayaa sheegaya in ay xildhibaanadu ku kala kaceen ansixinta heshiiskii dekedda Berbera.

Fadhigan saaka oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Ciro oo ay ku wehelinayeen labada guddoomiye ku-xigeenka ayaa badi waxaa soo xaadirey fadhigaasi mudanayaasha wakiilada Somaliland.

Mudanayaasha ayaa saaka illaa immika dood adag ka yeeshey ansixinta heshiiska dekedda Berbera,balse waxaa ad-kaatey in la ansixiyo heshiiskaasi,kaddib markii uu fadhigaasi ka dhashey buuq iyo sawaxan  hadheeyey fadhigaasi,waxaana loo ballamey maalinta berriya haddii Illaahay ogolaado in la ansixyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.