X

Fal laga argagaxo oo ka dhacey degmada Walaweyn halkaas oo lagu afduubtey nabadoon yaase lagu yaqaanaa falalkan

Dadka magaalada Walaweyn ayay xalay soo wajahdey cabsi tii ugu xumeyd kadib markii afduub loogu gaystey magaalada nabadoon caana oo la sheegay in xilligii C/llaahi Yuusuf  uu ahaa gudoomiyaha degmada. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxa xalay la afduubtay nabadoon Axmed Maxamuud Cigale oo ka mid ah Dadka sida weyn looga yaqaano Walanweyn ayaa gurigiisa lagala baxay lamana oga cida afduubatay iyo sababta loo qafaashay.

Nabadoon Dhuun cade ayaa ehelkiisa waxay aad uga naxeen falkaasi lagu afduubtay. Dableyda afduubka geysatay ayaa la sheegay inay wateen Baabuur nuuca Dagaalka waxaana loo maleynayaa inay yihiin kuwa argagixisada Shabaab.

Afduubyada ka dhaca Koofurta Somaliya iyo dilalka qorsheysan ee lagula kaco muslimiinta ayaa waxa gaysta argagixisada shabaab oo iyagu gaaleeya muslimiinta kadibna dhiigooda iyo maalkooda banaysta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.