Raiisal wasaaraha Faransiiska ninka lagu magacaabo Vall ayaa sheegay in Siiriya laga soo abaabuley falkii argagixiso ee lagu xasuuqay shacabka cawaynayay. Raiisal wasaaraha ayaa intaa ku daray in kaliya Faransiiska maahee weerarku ku socday dalalka Yurub oo dhan.
Magaalooyinka waaweyn ee Yurub ayaa maanta lagu arkayaa askar saaida oo baadheysa gawaadhida iyadoo xooga la saarayo in dadka looga shikisan yahay in ay ku gudo jiran falal guracan.
Raiisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha ay hadda heleen uu yahay mid socdey oo balaaran oo lagu doonayay in lagu xasuuqo dad badan.
Faransiiska ayaa weeraray xarunta argagixisada ugu weyn ee Raqqa lama sheegin in ay dileen madaxda argagixisada oo isku qariya dadka shacabka afkana xirta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM