Ciidamada dalka Ciraaq ayaa dhirbaaxo kulul ku dhiftey argagixisada Daavish ee Sacuudigu taageero ee Daacish. Sacuudiga ayaa ku shaqaysta sheeko la yiraa Sunni iyo Shiico kadib markii uu fududeeyay xukunkii laga tuurey madaxweynihii Ciraaq ee Sadaam Xuseen.
Ciidamada Ciraaq oo markan isku duuban ahna dadka deegaanka ayaa eryadey argagixisada oo burburisay dhulka Ciraaq ee ay degan yihiin dadkii Sacuudigu burburiyay ee Sadaam Xuseen.
Faluuja ayaa argagixisadu joogi kari waydey markii lagu dumiyay guri kasta oo ay dabada geliso taasina ay keentay burbur laxaadle oo soo gaaray magaalada waayo argagixisadu ma ogola in guri ka dambeeyo iyadoo marka looga baxayo magaalada iyo dadku noolyihiin.
Guushan Faluuja ayaa saamaxaysa in laga qabto lagana gaadho burburka argagixisadu u gaysatey Mosul oo hadda u muuqata magaalo xadaaradeedii burburtey.
Geesiyiinta Kurdiyiinta ee diidey Salafiyiinta Sacuudiga iyo Akhwaanka Turkiga aya hogaaminaya dadaalka lagu badbaadinayo ilbaxnimadii Ciraaq iyo Siiriya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS