Waxa lagu arkey shabakado lagu yaqaan koobiga in ay soo qaateen muuqaal cidkastiba arki karto oo buga oo sheegaya in xafladii habeen labaad ee ka dhacdey Muqdisho ee sida weyn looga soo qaybgalay ee Nimcaan Hilaac iyo Fartuun ay wax rabashado ah ka dhaceen. Waxase jira muuqaal been abuura oo uu soo galiyay baraha bulshada nin fanaaniinta la shaqeeya sheegtana inuu saaxiib la yahay laakiin ka xumaa sida quruxda badan ee ay wax u dhaceen.
Fanaanada Fartuun Cumar oo la heesaysay Nimcaan Hilaac ayaa bogeeda Facebook u sheegtay in warkaasi been yahay isagoo ninka warkan soo geliyayna uu isa soo saaray laba muuqaal oo aan islahayn.
Fartuun Cumar ayaa intaa sii raacisey in habeenkaas ay moodesay in ay la heesayso Micheal Jackson sida quruxda badan ee Nimcaan Hilaac u qabsaday masraxa.
Waxay raacisey Muqdisho ayaan nabad ahayn waxaan u soo joogey xaflad ushaa hadaad u tuurto cirka ayna dhulka u dhacayn. Hoos ka arag muuqaal dhamaystiran oo hore aan u soo gelinay Araabinews.com.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM