X

Faransiiska oo garaacay Romaniya ciyaartii furitaanka ee koobka qaarada Yurub 2016

Xulka Qaranka ee Faransiiska ayaa garaacay xulka qaranka dalkaasi Romaniya oo soo bandhigey ciyaar quruxbadan inkastoo ciyaarta qaybteedii dambe laad xora ay Faransiisku guusha ku qaadeen.

Ciyaarta ayaa si caajisa ku bilaabantey waxana dardar cusub la soo baxay Romaniya oo ku dhawaaday in cidla diraan Faransiiska oo dadka badan kiisu qabaan in anu meel gaadheyn.

Si kastaba ha ahaatee waxay Faransiisku la hoydeen guusha makii ciyaaryahanka Payet uu laad xora kaga dhaliyay halkaas oo goolhayaha Romaniya aanu indha saarin.

Beri ayaa waxa Jira sadex ciyaarood oo kala Albaniya iyo Swizerland halka ururka B ay iyaguna ciyaari doonaan Ingiriiska iyo Ruushka iyo Wales iyo Slovakia.

Ingiriiska iyo Ruushka ayaa noqoneysa mid xiise leh marka aad eegto inta beri ciyaaraysa iyadoo laga baqayo in Ruushku ka badiyo Ingiriiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

 

 

admin:

This website uses cookies.