Af-Hayeenkii Hore Ee Siilaanyo, Axmed Saleebaan Dhuxul, Ayaa Sanad Kadib Warbaahinta Lagu Arkay, Waxana Uu Markale Isaga Oo Is Muujinaya Shaaciyey Inuu Xubin Ka Yahay Xubnaha Ex. Wasiir Xirsi Shaqadooda Uga Dareeray Ee Wada-Hadalka Kula Jira Xisbiga Waddani.
Axmed Saleebaan Dhuxul Oo Safar Dheer Oo Uu Waddamo Badan Qaab Tahriib Ah Ugu Kala Gudbay Kadib Haatan Sharci-Darro Ku Jooga Waddanka Faransiiska, Ayaa Khadka Kula Soo Xidhiidhay Telefishanka Bulsho, Waxana Uu Carrabka Ku Adkeeyey Inuu Xubnaha La Filayo Inay Ku Biiraan Xisbiga Waddani Si Weyn U Taageersan Yahay.
Isagoo Xubnaha Is-Bahaysiga La Baxayna Si Weyn U Ammaan, “Qorshaha Iyo Wada-Hadalku Wuu Soconayaa, Ujeeddadanu Waa Sidii Meel Loo Wada Mari Lahaa, Waanad La Socotaayoo Ragga Is Bahaysiga Ku Jiraa Waa Raggii Somaliland Soo Dhisay, Sharaftii Ay Qaranka Kusoo Dhiseena Waxa Caddaynaysa Inay Ahaayeen Inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Tiirar U Ahaayeen. Maantana Waxa La Qabtay Ee Dalka Ka Jira Raggii Hormuudka Ka Ahaa Bay Ahaayeen.” Ayuu Yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.
Axmed Saleebaan Dhuxul, Ayaa Muddo Haatan Laga Joogo Sanad Iska Casilay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada Oo Uu Muddo Dheer Hayey, Waxana Uu Bilo Yar Kadib Dhuumasho Kaga Baxay Waddanka, Isagoo U Xadhko Xidhay Tahriib Dheer Oo Uu Ku Beegsanayo Dalalka Reer Yurub Oo Uu Noloshooda Soo Dhadhamiyey Xilligii Uu Qasriga Madaxtooayda Haldoorka Ka Ahaa, Waxana Uu Isaga Gudbay Dalal Badan Oo Yurubta Bari Iyo Midda Galbeedba U Badan, Waxana Uu Aakhirkii Bustaha Dhigtay Dalka Faransiiska Oo Uu Rajaynayo Inay Ka Aqbalaan Codsi Qaxootinimo Uu Ka Tuugay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS