Tan iyo maalintii SNM oo la baxdey SomaliLand calankeeda la taagay, dad badan bay ku cuslayd arintaasi oo garanaayay inay qulatayn tahay aan wayso galayn. Dadkaasi dacwadoodu waxay saldhigaysay inaanay cadaalad keeni kareyn reer SNM islamarkaana meel dheer wax ka arkaayay oo ogaa inay ujeedo ka dambayso.
Dad badan baa dareenkoodu ahaa iney SNM ujeedadeedu aheyd/tahay iney beelaha kale shicib ka dhigtaan yaguna dowlad u noqdaan qarafada caalamkana ku gurtaan. Walee arintaasi maantey rumowdey oo cid walba qireysaa in loo gogol badiyey reer SNM yaguna ay bilaabeenba iney gumeysigii Afweyne ee ay ka dagaalameen kula dhaqmaan beelaha kale ee dagan woqooyiga Soomaaliya.
Waxan ka socda Awdal wax loo dulqaadan karo maaha. Wixii kaadida ay u cabeen miyeyna aheyn diidmo ay diideen xukunkii Siyaad Bare? Sidey ku noqoneysaa la ima odhan karo la imana diidi karo, juuqna lama odhan karo ee ani waxaan aheyn kuu talin mayo ee ogolow Gadabuursow. Waxaan diidey ha diidin ma suura galbaa?
Gadabuursow ceebtan ina dulsaaran ee dilmada, dulumka iyo xadhiga ku saleysan maxaa keeney in laga dhiidhiyi waayo? Maxaa keeney in waliba reer qudha farta lagu fiiqo intaan wadajir u diidi laheyn qeyrkeen oo inala maagan gumeysi? Reerkan tolkeen ah ee jeelasha laga buuxshey miyaynaan u damqaneyn?
Maxaa keeney tolkayow in beel dhan loo xidho diidmada Wabar ka diidey Isaaq xaqdaradoodii yaguba ay duurka u galeen? Waar miyaan la ogayn wixii Jibriil Yoonis la yeelo in gabigeenba la yeeley.
Gadabuursow xasuusta horaa loo yidhi; “Walaalkii loo xiiryow soo qoyso;”
Hadii maanta laga aamusey dhibta, xadhiga, xaqdarada iyo gumeysiga lagu hayo Jibriil Yoonis tan iyo markii uu Wabar ku dhawaaqey inuu kasoo horjeestey cadaalad darida Isaaqa, Gadabuursow xasuusta odhaahdii qaaliga aheyd ee ka dhawaajineysey; “Walaalkii loo xiiryow soo qoyso..”
Waa hubaal hadii Gadabuursow walaaladiin hortiina lagu gumaadaayo ood ka aamusteen oon loo damqaneyn inaad idinkuna ku xigtiin oo la idiin xiiri doono ee diyaar u noqda inaad soo qoysataan Jibriil Yoonis dabadii. Ogaada inaad Gadabuursi uun ahaan doontaan oonad marnaba noqoneyn Isaaq. Horaa kuwa hore loogu xiiree kuwa ku xiga Jibriil Yoonisna waad garaneysaan.
Fool xumideena Gadabuursow ma waxaan qaadan karnaa inaan daawano kolba keena loo xiirayo. Walee walaalahayow in badan baan isticmaalee aan hadana idhaahdo “ Gadabuursi ceeb u daan adagaa..” Ma maantuu Ramaax xidhayaa haldoorkii Gadabuursi. Tola’ayay tola’ay…”
Ku socota dowlada SNM;
Hadii aad duurka u gasheen idinkoo diidey xaqdaradii dowladii Somalia iyo Siyaad Barre, waa la diidi karaa cadaalad darida Isaaqland oo buurahaa la gali karaa. Noqon meyso jaanlayaalow anaguun baa wax diidi oo anaga nalama diidi karo. Ogow hadii aad cid diido in adigana lagu diidi karo. Hadii SNM xaq u laheyd iney cadaalad darro ka dagaalamaan, Wabarna xaq buu u leeyahay inuu buuraha galo oo idinla dagaalamo.
Hadaad liqi weydeen Wabar baa buuraha galey idinkaa dalbadee waa la bixi indhihiina oo shana. Kaadi sidiinii loo cabi maayo ee garowgii Gadabuursi oo subageysan oo lagu darey caanihii Harawaad ayaa loo cuni oo lagu xoreyn gobolada Gadabuursi. Idinkaa dalbadee waa waxaad ka gurtaan. Waa hubaaloo bishuna hortiiney iman. Wabar iyo dagaalyahanadiisuna Sidiinii silcimaayaane yagoo calooshu u buuxdu ayay soo galayaan Isaaqland.
Dowlada SNM ha ogaato inaaney gooni u laheyn guusha. Noqon meyso waxba laga qaadi kari maayo Isaaqland iyo ciidankeeda. Xasuusta idinkaa ku faanee inaad jabiseen Somalia ciidankeedii oo ahaa ciidanka labaad qaarada Afrika quwad ahaan. Hadii sidaa ay tahay maxaad u maleyn Isaaqland oo afar baabuur oo Landcruiser ah afar qori ku rakibtey oo kolba meel ula carareysa. An idiinka jawaabee reer Awdal waxey yidhaahdaan; “kaam shaafnaa maraakiib macadalaa huuri…” Wabar iyo ciidankiisu cagtey marinayaan qasacadaha aad la warwareegeysaan.
Iskusoo wada xoori;
Gadabuursow ha la baraarugo oo dadkeena iyo dalkeena dantooda ha la eego. Dad wada dhashey baanu nahee aan isku hiilino oon isku damqano iskuna hilowno. Cadowgeena aan wadajir iskaga dhicino. Wada jir aan uga dhiidhino in badeena, buuraheena iyo banaanadeenaba dhib yaraan lagu qaato.
Samaroons must be in this together and I remind them the old saying that is as true today as it was long ago:
“It is very easy to snap one stick, but very difficult to snap a bundle.”Ghandi
Waxaan ku baaqayaa oon ku boorinayaa howlwadeenadii Awdal State iyo taageerayaashiiba iney ka tashadaan cadaawaha oo madaxa is galiyaan markale oo wada jir ay ugu dhawaaqaan shir weyne la iskugu yimaado si looga tashado SNM iyo gumeysi doonkeeda meelna loogasoo wada jeesto. Sharafta magaceena Gadabuursi aan u midowno walaalayaalow. Dadkeena daraadood aan ku heshiino. Dalkeena daraadiina damiir aan u yeelano.
Wa bilaahi towfiiq.
Suleymaan cabdi Dugsiiye