X

Farmaajo oo ku guuldaraystey in uu iska reebo maamul jufeedyada shirka London

Farmaajo ayaa ku guuldaraystey in uu iska reebo maamul jufeedyada shirka London ee aan loo baahneyn ayadoo dadka badankiisu iswaydiinayo isbedelkii loo baahnaa in tani ka hooseeyso.

Maamul jufeedyada ayaa dulin ku ah ummada Somaliyeed waxayna dhulka la galaan dakhli ummada loogu qaban lahaa dugsiyo waxbarasho, beero, koronto iyo adeegyada bulshadu u baahan tahay.

Farmaajo ayaa la filayay in uu maamul jufeedyada iska reebo oo dawlada uu isagu wakiil ka yahay ay ka qayb galaan shirkan iyo kuwa la mida ee dawladu xaq u leedahay in dadka at matasho uga qaybgasho.

Shirkan London ee aan loo baahneyn ee Ingiriisku ku rabo in uu istuso wadamada Turkiga iyo Imaaraadka in isaguna kaalin weyn leeyahay ayaa la mida kii Sheekh Shariif fadhiid ka qaybgalay.



Shirkan awr kacsi ee Ingiriiiska ayaa wakhti lumisa maadaama Sheekh Shariifba  aan waxba loogu qaban ummada wixii lagu heshiiyayna laga soo reebay hal qodob oo maamulka Somaliland sumcad iyo gooni ka dhigayay.

Somalida ayaa filaysa isbedel dhinaca siyaasada qaasatan arimaha dibedda iyo gudaha laakiin tani waxay keenaysaa nusqaan maadaama maamul jufeedyadu hoos ordayaan dawlad ay ka mid yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maamul jufeedyada qaar ay fursad u tahay madaxdooda in ay ku tagaan Ingiriiska soona arkaan, xaga qaarkood loo turjumayo oo shirku waxba u tarayn joogidooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.