X

Farmaajo oo shaaciyay war argagixisada ka nixiyay

Madaxweynaha cusub ee dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray war ka nixiyay argagixisada mowqifkiisa ku saabsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.



Isgoo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya inta laga dhisayo ciidamo Soomaaliyeed.



Madaxweyne Farmaajo ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Ciidamada AMISOM iyo beesha caalamka, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya markii ay dhisato ciidamo Qaran ay u mahadcelin doonaan dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayna sagootin doonaan.

Ololaha madaxweyne Farmaajo ee doorashada ayaa ku saleysnaa in ciidamada AMISOM ay dalka ka bixi doonaan, isla markaana la dhisi doono ciidamada Soomaaliya oo la tayeyn doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.