Farmaajo ayaa waydiistey midowga Afrika arin Somaliya ka maqneyd. Madaxweynaha ayaa dhawaan booqdey xarunta midowga Afrika ee Addis ababa ku taala wuxuuna la kulmey hogaanka cusub.
Waxaa xarunta ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki, oo ay ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya, AMISOM iyo doorka Soomaaliya ee Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weydiistay Midowga Afrika inay Soomaaliya hesho doorkeedii Midowga Afrika, siiba ka mid noqoshada shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta midowga Afrika, arrintaas oo lama filaan ahayd, balse laga aqbalay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS