X

Fatahaado horleh oo ka socota deegaano hoostaga Shabeelaha dhexe

Webiga Shabeele ayaa saacadihii u dambeeyay keenay biyo farabadan deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe. Deegaanada laga barakacay waxa ka mida Huriwaa, Duduble, Mansoor iyo Diinlaawe. Dadka ayaa ku barakacay deegaano u dhow.


Fatahaada webiga ayaa sii jiidhey beero badan oo dadku fasheen haddana ay dhex fadhiisteen biyo farabadan. Dalagyo soo gu’i lahaa ayaa daaqada ka baxay.

Wasaarada beeraha ee dawlada dhexe ayaa qabta in cunto yaraan ay soo wajahday kumanaan Soomaali ah oo ay wax u dhimeen fatahaada webiga iyo weliba cudurka Kooro.


Waxa warbixintaas ku farxay hay’adaha gaalada oo taas bedelkeeda keena cuntooyin dhacay, qaylo dhaana ku hela malaayiin doolar oo ay daaro ku dhistaan.

Dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay gargaar gaysay caasimada Shabeelaha dhexe, kuwa kalana ay soo wado. Waxase loo baahan yahay inay dhaqsato keentana waxay hayso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.