X

Faysal Waraabe oo booqdey Saylac xilli 10,000 oo reer Jabuuti oo aanu dhalan gobolka la diiwaangeliyay

Gudoomiyaha UCID Faysal Waraabe ayaa booqdey Saylac halkaas oo xadka Lawyacado laga diiwaangeliyay ku dhawaad 10,000 kun oo reer Jbuuti ah oo ka soo jeeda Ciise si ay uga dhabeeyaan in ay gobolka ku badan yihiin sidaana ku sheegtaan.

Faysal Waraabe oo ka mida dadka aaminsan in Samaroonku xeebaha degin ayaa hore looga hayaa warar uu yiri oo uu leeyahay Ciisaha waa la khiyaamey.

Dadka waxgaradka ee reer Awdal ayaa iyagu hore u sheegay in aan tirokoobkan aanu marnaba ka turjumeyn tirade saxda ee reer Awdal oo ay tahay in reer Awdal iyagu is tirakoobaan.

Suldaan guud ee beesha Bahababar Muuse (Samaroon) Suldaan Abshir ayaa hore u sheegay in gobolka Saylac uu bixiyay Daahir Rayaale uu yahay gobolka kaliya ee dadkii u dhashay ay ku dhiban yihiin dadkalana shaqooyinkoodii haystaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.