X

Faysal Waraabe oo racfaan ka qaatey go’aankii ka soo baxay gudigii dhexdhexaadinta xisbiga UCID

Faysal Waraabe ayaa racfaan Ka Qaatay Go,Aankii Laga Soo Saaray Khilaafkii Hadheeyay Xisbiga Ucid ee ay dhawaanta Xaliyeen Gudida Diwaangalinta Ansixinta Ururada Siyaasada Somaliland.

Hadaba Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Mar Dhaweyd Oo Nuqulka Mid Ahi Uu Soo Gadhay Shabakada Wararka Ee Hangoolnews Ayaa Waxaa Uu U Dhignaa Sidan.

War-Saxaafadeed Xisbiga Ucid.

Ref/UCID/XDH/154/2016

1:- Sida Aynu La Wada Socono Waxaa Gudida Diwaangalinta Iyo Ansixinta Ururada Siyaasada Asaxaabta Qaranka Somaliland Ay Soo Saartay 21/7/2016 Go,Aan Maamul, Oo Ay Ku Ayidayaan Doodi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Aheyd Is Afgarad Ku Taariikheysan 12/7/2012 Ee Ay Wada Galeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Iyo Jamaal Cali Xuseen Uu Yahay, Mid Aan Dhameystirnayn Oo Ay Tahay In Lloo Gudbiyo Shirweynaha Xisbiga UCID, Si Uu Uga Gaadho Is-Afgaradkaas Iyo Wixii Ka Dhashaba.

Waxaa Gudidu Ay Faro Galisay Qaabka Ay Tahay In Loo Qabto Shirweynaha Iyada Oo Ay Jiraan Xeerar Si Cad U Tilmaamaya Qaabka Loo  Maamulo, Loona Qaban Qaabiyo Shirweynaha Xisbiga UCID.

 

2:- Hadaba Hogaanka Xisbiga UCID Iyo Golaha Fulinta Xisbiga Ucid Iyaga Oo La Tashanaya Isla Markaana Si U Dersaya Xeerka Xisbiga UCID Iyo Xeerka Nidaamka Ururada Iyo Asxaabta, Xeer Lr, 14/2001 Waxay Go,Aansadeen In Dacwad Loo Gudbiyo Maxkamada Sare  Ee Jamhuuriyada Somaliland Oo Awood U Leh.

3:- Sidaas Darteed , Maanta Oo Ay Bishu Tahay 13-Kii August 2016-Ka Waxaa Qareenada Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee UCID Ay Gudbiyeen Racfaan Ka Dhana Go,Aankii Gudida.

4:– Sidaas Darteed Waxaanu La Socod Siinaynaa Shacab Weynaha Somaliland Iyo Taageerayaasha Xisbiga In Mar Walba Ay Waajib Tahay In La Raaco Xeerka Xisbiga Islamarkaana Hogaanka Xisbigu Uu Qaadayo Talaabo Kasta Oo Sharci Ah Oo Uu Ku Hubinaayo In Loo Hogaansamo Shuruucda Xisbiga Iyo Xeerarka Dalka.

Mar Walbana Ay Saraynta Leeyihiin Xeerka Xisbiga Iyo Xeerarka Dalka Oo Ay Yihiin Waxaa Kaliya Ee Lagu Dhaqmo.

Xoghaya War-Faafinta Xisbiga UCID

Mudane Yuusuf Keyse Cabdilaahi

admin:

This website uses cookies.