X

Filin horay u soo dhamaaday hadii dib loo shido wax nuxur ah ma yeelanaayo dagaal iyo qolo waan kasoo gudubnay: ODAWAA

Cadaado–Wasiirka aad ka u firfircoon ee arimaha gudaha C/raxmaan Odawaa ayaa shegay in magaalada Dhuusamareeb ayna cidkale joogi doonin aanan ka ahayn ciidanka dawlada ee tabarta daran. Odawaa oo ka hadlay ciidanka dagaalyahaniinta Ahlu sunna ayuu sheegay in ay qalad tahay in xilligan wadahadal socdo in filin hore u dhamaaday dib loogu noqdo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo ka hadlaayay Magaalada Cadado, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda aysan marnaba aqbali doonin in Ahlu Sunna ay sii joogto Magaaladaasi iyo sidoo kale in ciidan aanan ahayn kuwa Dowladda ay qabsadaan Magaalo.

Wuxuu sheegay inuu dhamaaday xilligii dagaalka iyo rabshadaha oo Somalia ay kasoo gudubtay marxaladii 1991, xilligaan la joogo xilli loo hogaansamo Dowladnimo iyo wax wada qabsi.

“Dhuusamareeb waxaa joogi kara oo kaliya ciidamada qalabka sida ee Somaliya ma aqbaleyno in cid kale ay maamusho Ahlu sunna ha kabaxdo Magaalada oo ha tixgaliso Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Guriceel”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa “Filin horay u soo dhamaaday hadii dib loo shido wax nuxur ah ma yeelanaayo, dagaal iyo qolo inay meel qabsato waan kasoo gudubnay, waxaa la idinka doonayaa inaad fahantaan maxay tahay sababta dagaalka loogu soo beegay xilligaan oo shir iyo arimo maamul ay socdaan.”

C/llaai Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.