X

Fowdo ka dhacdey fadhiga barlamaanka maanta iyo sababta

Fowdo ka dhacdey fadhiga barlamaanka maanta oo u kulmey si ay u dhegeystaan hindise sharciyeed ay soo diyaarisay wasaarada biyaha laakiin fowdo ayuu isku bedelay halkii laga rabey in hore loo socdo.



Qaar ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in sharcigaan lagu muujiyo talaabada laga qaadayo cidii shacabka biyo aan nadiif ahayn u keenta isla markaana biyaha ku qaaliyeysa.

 Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Xukuumada Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow ayaa sheegay in talooyinka Xildhibaanada la qaadan doono.



Furitaanka kulanka ayaa dhammaan Xildhibaanadii arrintaan ka dooday waxa ay soo jeediyeen in la ansixiyo sharcigaan maadaama uu yahay mid muhiim ah balse gaba gabada kulanka ayaa waxaa la waayay tiradii loo baahnaa in cod lagu qaado maadaama 155 Xildhibaan uu kulanka ku furmay balse gaba gabada kulanka ay goobjoog ahaayeen 83 Xildhibaan.



Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay maadaama aysan goobjoog ahayn tirada xildhibaanadii loo baahnaa iney codeeyaan in kulanka xiga laga dhigo ansixinta iyo cod u qaadista sharcigaan.

Xildhibaanada fadhiya golahan ayaa si fudud ugu xaadira lacagta masaakiinta laga qaado laakiin aanan waxba ku soo celin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.