X

Fursad noocee ah ayuu haystaa RW cusub ee Itoobiya Cabiya Axmed

Fursad noocee ah ayuu haystaa RW cusub ee Itoobiya Cabiya Axmed oo ka soo jeeda qoomiyada ugu badan Itoobiya ee Oromada intooda badana ay yihiin Muslimiin.

Cabiya Axmed ayaa hooyadii tahay masiixiyada haysata diinta Itoobiyaanka ee Kiristanka adag. Waa nin aqoonyahana loona doortey hogaanka xisbigiisa iyo kan dalka hogaamiya ee EPRDF.



Ururkan EPRDF ayaa waxa u badan Xabashi iyo Tigreey oo iyagu dalka isku dhibdhiiba siiba dhinaca ciidamada oo Oromadu ku yartahay. Raiisal wasaarihii hore ee bakhtiyay Zanaawi ayaa dalka u dejiyay nidaam qabaliya oo qolo kasta halkeeda isku maamulayso inkastoo taasi been ahayd oo dawladu leedahay amarada ugu dambeeya.

Cabiya Axmed waxa horyaala dal la kala aamin baxay siiba Axmaarada iyo Tigreega waana ta maanta keentay inay kursiga ku aaminaan nin Muslim ah oo ay weligood ka ilaalin jireen.



Dadka badankiisa ayaa is waydiinaya awood noocee ayuu leeyahay uu wax ku bedelo mase u ogolaan doonaan Axmaarada iyo Tigreega haddii uu la yimaado isbedel.

Arinta Somalida wax maka qaban karaa qaasatan colaada Somalida iyo Oromada. Somalida oo aan ku jirin ururka EPRDF maku soo dari karaa ururka haday rabaan inay Itoobiya si fiican uga mid noqdaan, taas oo siinaysa codka ay leeyihiin.

Mise wuxuu soo qaadi doonaa dagaal ka dhana Somalida.

Waa isbedelo iyo suaalo la iswaydiin karo waxana laga dhadhansan karaa qudbadiisa ugu horeysa ee uu jeediyo marka talada loo dhaariyo bisha soo socota ee Afraad.

RW Cabiya waxa horyaala fursad uu ku abuuri karo Itoobiya jaarkeeda nabad kula nool iyaduna is ogol, waase haddii ay la shaqeeyaan xisbiga ay u badan yihiin Axmaarada iyo Tigreega.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.