X

Gaadhi ay saarnaayeen ilaalada C/raxmaan Ciro oo shil la galay gaadhi rooti sidey iyo Siilaanyo oo tagey

Gawaadhida isku dhacday ayaa mid ahaa mid ay wateen ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo gaadhi kale oo dad shacab ahi wateen.

Shilkan ayaanay jirin ilaa hadda wax dhimasho ah oo ka dhashay,iyada oo ay shilkaasi la kulmeen madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo wadadaasi safar ku maraayey iyo wafti uu hogaaminaayey,waxaanay bilaabeen waftigaasi iyo madaxweyne Siilaanyo inay dadkii dhaawaca ahaa wax u qabtaan.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay shilkaasi, waxase wadada Hargeysa iyo Burco inta badan ka dhaca shilal maadaama ayna helin dayactirka ay u baahan yihiin ilaa intii dalku burburey.

 

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.