X

Gaadhi ukun ka qaaday Boorama oo u waday Jabuuti oo qalibmey

Gaadhigan xamuulka ah oo ukun ama beed u waday Jabuuti kana qaday caasimada gobolka Awdal ayaa ku rogmaday inta u dhaxaysa Boorama iyo Saylac kadib markii uu hog ku dhacay.

Gaadhigan xamuulka ayaa ukunta uu waday lagu qiyaasay ilaa 30, 000 oo xabbo. Waxana halkaa mulkiilaha ka soo gaaray khasaare aad u badan.


Ganacsiga Jabuuti iyo Awdal ayaa maamulka beesha dhexe cunaha qabtey kadibn markey dadka ku baadhaan Lowyacado. Ganacsiga oo markii horeba yaraa ayaa dhulka sii galay.

Wadada jayga ah ee u dhaxaysa Boorama iyo Saylac ayaa waxa qayb ahaan wada hay’adda wadooyinka ee gobolada Awdal iyo Salal. Mulkiilaha ayaa sheegay in khasaaruhu baaxad weyn leeyahay.


Boorama ayaa dhawaan laga furey baxnaaninta digaaga kuwaas oo soo saara digag farabadan inkastoo aan la ubin tayada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.