Gaalkacayo ayaa laga hirgeliyay ciidamo jufooyinka dhan ka kooban. Ciidankaan ayaa qeyb ka noqon doono Ciidamo Boolis ah oo horay loo sameeyay, kuwaasoo ay sameeyeen maamulada Galmudug iyo Puntland.
Munaasabad Kooban oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug.
Gudoomiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ee gobolka oo goobta Khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay ciidamadaan cusub in ay ka qeyb qaataan amaanka gobolka Mudug oo inta badan ku dagaallamaan Maleeshiyaad kasoo kala jeedda maamulada Puntland iyo Galmudug.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS