Gaarisa–Kadib xasuuqii argagixisada shabaab u gaysatay ardayda iska hurdey ee aan waxba galabsan ayaa aduunka gaalo iyo muslim u midoobeen iyagoo hore uga mideysnaa ciribtirida argagixisada. Argagixisada shabaab ayaa ku qadhaabta diinteena suuban oo aan matrna ogoleyn in HAL qof lagu dilo sifo aan sharci ahayn, halka argagixisadu xasuuqdey in kla badan boqol iyo afartan ardey.
Suaasha aad iswaydiin karto ayaa ah diintan cusub ee argagixisada intee in leeg ayay Jiri kartaa waayo dadka oo la iska xasuuqo waxa laga waayay xataa diimaha cawaanka ee ay leeyihiin.
Waxaan hore u daawanay sidii muslimiinta iyo gaaladu u midoobeen weerarkii hore ee argagixisadu ku qaaday suuqa laga adeegto ee Westgate halkaas oo argagixisadu sidan oo kale rasaas la raacday dadka.
Ma filayo in weerarkani uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ka yimaada argagixisada shabaab iyo diintooda cusub, waxase dad badan iswaydiinayaan ma jiraan dawlado u soo jeeda difaaca iyo la dagaalanka argagixisada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS