Ciyaarihii koobka Afrika ayaa maraya meel aad u xiiso badan iyadoo ciyaarihii caawa ay labada xul ee Gaana iyo Gini ay u kala baxeen Gaana oo sadex ku hoysay Gini halka xulka Ivory Coast uu Aljeeriya ku macasalaameeyay sadex gool iyo hal.
Faalada aan ka bixinayno ciyaaraha hadhay ayay u badan tahay in Gaana iyo Ivory Coast isugu soo bixi doonaan ciyaarta kama dambeysta oo noqon doonta ciyaar xiiso badan maadaama ciyaartoyda u ciyaara intooda badan ka ciyaaraan Yurub.
Maalinta arbacada ayaa waxa wada ciyaari doona wareega sadexaad xulalka Gaana iyo Igwarootiya Gini iyo Ivorty Coast iyo Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo.
ARAABINEWS