Gaari aan kuwa xabada Karin ah ayaa ciidanka amniga rasaas la dhacay. Ciidamada Booliska ee ku sugan meel ku dhaw Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigan ayaa isku dayay inuu maro meel aan loogu talogelin. Ciidamada ayaa gaarigaasi ku furay rasaas, waxaana ay sababtay rasaastaasi gaari in taayarada ay kaga dhacaan oo taayarada ay fariistaan, iyadoo wadaha gaariga markii la rasaaseeyay xittaa uu ka biyo diiday inuu soo dago.
Inta badan gaadiidka aan xabadaha Karin waxaa iska leh masuuliyiinta dawladda iyo kuwa xilal kala duwan ka soo qabtay ama qof lacagleh oo awooda inkastoo ay yartahay.
Warkii ugu dambeeyay ayaa hadda sheegaya in gaarigan uu lahaa hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS