X

Gaas oo Garoowe xariga kaga jaray wado Turkigu dhisay: SAWIRO

Gaas ayaa xariga ka jaray wadada wasaaradaha ee Garoowe. Waddadan ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa $200,000 oo doolar, waxa dhistay shirkad Turki ah.

Shirkadan ayaa sidoo kale dhistey laga Garoonka diyaarada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir.



Dhismaha wadadan ayay dowladdu sheegtay in lagu dhisay isku tashi, inkastoo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in wadadan uu maal-galiyay Bangiga Aduunka ( World Bank ), waana mid marka lafiiriyo tayada iyo nashqadayntaba ka duwan kuwii hore.



Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xarig jarkii waddada ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ah oo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhin doonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaa ku soo biirayay waddooyin laamiya iyo dhismayaal qurux badan, kuwaas oo kor u qaaday bilicda caasimamada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.