X

Gaas oo kulan la qaatey hay’adah Puntland: SAWIRO

Gaas ayaa kulan la qaatey hay’adah Puntland. “Waxaan maraka hore u mahad celinayaa Wasaaradda Maaliyada oo nagu marti galisey xarunteeda, Beesha caalamka iyo Dawladda Puntland wadashaqeynta ka dhaxaysa aadbey u wanaagsantahay.



Meel fiican bayna mareysaa waana kaga mahad naqeynaa wixii shaqa ah oo ay nala qabteen, inaga xukuumad ahaan hanoqoto Wasaaradda Qorsheynta ama hay’daha dawliga ah indinkaa la idinka rabaa inaad hagtaan barnaamijkan.



Waxaa laga yaabaa mararka qaarkood in Hay’adahan ay la yimaadaan barnaamij ayaga gaar u ah, barnaamij cidna aanay kala tashan kabacdina loola yimaado wasaaradaha.



Aniga ka xafiis ahaana marwalba idinma dul joogo cida la rabo inay hagto barnaamijka iyo waxa muhiimka noo ah waa idinka, waad la socotaan dadkan waxay jecelyihiin inay qaadaan wadadan dheer oo aysan xaga iyo xagaba uga dagin, cida larabo inay ku hagto baahideena dadkana u cadaalad sameeyaan waa idinka, waxaan rajeenayaa hada ka bacdi qaadataan booska idinku aadan hawshaas iyada ah” ayuu yiri Gaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.