Gabadh ajaanib ah ayaa gargaar u joogtey Muqdisho oo la afduubey. Sida wararka lagu helayo gabadhan ayaa lagala baxay guri ay ka deganayd xaafada Wadajir ee Muqdisho.
Lama sheegin dalka ay u dhalatey waxana la sheegay inay u shaqaynaysay hay’ad lagu magacaabo ICRC oo ah hay’ad gargaar.
Sargaal ka tirsan ciidanka booliiska ayaa xaqiijay afduubka gabadhaas. Lama garan karo in kooxda fududeysay afduubkan ay ka tirsan yihiin argagixisada shabaab.
Muqdisho ayaa waxa ka hawlgala kooxo kala duwan oo si dhiigmiirad dadka u dhaca. Kooxdan ugu xun ayaa ah argagixisada shabaab.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS