X

Gabadh askari dhib u gaystey oo gobolka Banaadir dibeda u qaadey: SAWIRO

Gabadh askari dhib u gaystey ayaa gobolka Banaadir dibeda u qaadey. Gabadhan oo askari jaahila oo ka tirsan ciidanka Puntland uu si xun waxyeelo u soo gaarsiiyay.



Faa’iso Maxamed Cabdi ayaa waxa xabad kaga dhuftay qeybta hoose ee jirkeeda askari ka tirsanaa Maamulka Puntland oo hada la sheegay inuu ku xeran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe.



Guddoomiye Thaabid ayaa bixiyay Fiisaha caafimaad ee Faa’iso ay maanta ugu amba baxday dalka turkiga si xaaladeeda caafimaad wax loogu qabto.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka ayaa bixinaya dhamaan lacagaha ku baxaya faa’iso iyo labadeeda waalid inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga.



Safarka caafimaad ee faaiso waxaa ku wehlinaya labadeeda waalid, waxaana bixiyay lacagaha ay ku baxeen guddoomiyaha gobolka banaadir.
Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee muqdisho.

Sheekh Maxamed Cabdi oo ah aabaha dhalay faaiso ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha gobolka banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.