X

Hooyo boqorada Ingiriisku siisay bilad oo sheegtay in loo hanjabay

Waxa sanad kasta loo gudbiyaa boqorada gabow dhaaftey ee Ingiriiska dadka loo maleeyo inay bulshada wax ku soo kordhiyeen ama magac u soo jiidey dalka si bilado loo siiyo. Hadaba waxa dadkaas ku jirey labo haween oo Somaliyeed oo dalka qaxootinimo ku yimi laguna magacaabo Layla,Xuseen iyo Nimco.


Labada haween ee boqorada loo gudbiyay ayaa iyagu furey samafal la baxay “Magool” oo la dagaalama gudniinka fircooniga ah ee lagula kaco gabdhaha Somaliyeed iyo kuwa Afrika iyo Eeshiyaba.

Layla Xuseen ayaa iyadu sheegtay in loo soo direy fariimo dil  loogu hanjabayo, waxayna sheegtay in ay dalbatey booliis ilaaliya. Mana aha wax aan jeclahay in xoriyadeyda wax loo dhimo ayay tiri.


Dadka hanjabaada u soo direy ayay ku sheegtay kuwo ka cadhaysan farogelinta gaaladu ku hayso dhaqanka siiba Ingiriiska inkastoo gudniinku meelna ka soo gelin diinteena macaan.

Gudniinka fircooniga oo gebi ahaanba la jarjaro jirka gabdhaheena Rabigeen ku abuurey ayaa ah dhaqan Somali uga yimi Masar.


“Fariimaha la ii soo direy waxaan u gudbiyay booliiska, waana cabsi ayay tirin Layla Xuseen. Dadka ku jira arimahan ayaa iyaga laftooda lagu eedeeyaa inay lacago ku soo qaataan taas oo ka weecinaysa ujeedada weyn, kuna qasbaysa hogaamiyeyaasha Somaliyeed inay si toosa ula dagaalamaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.