Madaxweyaha Somaliya ayaa heshiis kula soo galay Sucuudiga in uu geeyo dalkiisa gabdho gaaraya 50, 000 iyadoo kuwii horeba la gumeysto oo ayna lahayn wax xuquuqa. Sawiro lagu daabacay baraha facebook ayaa muujinaya axsaan darada iyo xasidnimada qoysaska Sacuudiga ee loo shaqeynayo, kadib markii gabar u dhalatay qabiilka Filipinos lagu shubey biyo Karkaraya.
Gabadha oo magac ahaan looga yaqaan xaafada ay ka shaqeyneysay Fatma islamarkaana 23 sano jir ah ,ayaa ina adeerkeed weydiisatay caawinaad iyo iney reerkeeda ku wargeliso dhibaatada ay la kulantay maadaama jirkeeda inta badan uu gubtay
Dowlada Sacuudiga ayaanan ka hadlin dhibaatada qoyska Sacuudiyaanka u geysteen gabadhaasi.
Dowlada Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay dalkaasi ugu direyso kumanaan haween ah oo la sheegay iney ka shaqeysan doonaan dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Dowlada Uganda ayaa dhawaan shaacisay in gabi ahaanba dumar dambe oo shaqaale ah loo diri doono dalka Sacuudiga maadaama ay bateen tacadiyada hablaha Uganda ay kala kulmayeen dadka ay u shaqeynayaan.
Dalka Sacuudiga waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo ka shaqeysanayay waxaana loo diidaa iney meelaha qaar ka shaqeystaan.
Marar badan ayaa hablaha Soomaaliyeed oo qaarkood foolanaya lagu xiray xabsiyada dalka Sacuudiga iyadoo dalkaasi laga soo tarxiilay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS