Haweeney 23 sano jir ah oo dhalatay lugo la’aan ayaa maalintii waxay shaqeysataa 750 Dollar iyadoo leh xirado dhowr nooc ah. Kanya Sesser oo ku nool Los Angeles ayaa waxay jabisay qiimihii u yiil xayeysiinta dharka, waxayna maalin walba ay sameysaa xayeysiin kastuumooyinka dumarka iyo rajabeedada dumarka ee kor ka xertaan.
Haweeneydaan ayaa ku socan gaariga cuuryaamiinta, mana u baahno, waayo waxay awoodaa in ay kaa socod badiso iyadoo ku oroda alwaaxa yar ee lagu ciyaaro (Skateboard) oo ay ku dheereyso, kuna tartanto.
KanyaSesserGabadhan oo kasoo jeedo dalka Thailand ayaa waxaa dalka Mareykanka lagu keenay daryeel iyo in caawinaad, hase ahaatee hadda iyadaa awoodo in ay dadka caawiso.
Kanya Sesser, waxay leedahay saaxiib, kaasoo ay isku barteen meel lagu ciyaaro Skateboard ee Los Angeles.
ARAABINEWS.COM