X

Gabadh Somaliyeed oo ku guulaysatay xildhibaanimada gobolka Minasoota ee Maraykanka: SAWIRO

Ilhaan Cumar waa gabadh Somaliyeed waxayna ku guuleesatay in ay xubin ka noqoto golaha deegaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka , kadib doorasho ay la gashay dhowr Musharax oo kale.

Ilhaan Cumar ayaa u tartantay Xubinimada golaha deegaanka ee gobolka Gobolka Minnesoto ee degmada 60-B, halkaas oo Somali badan degan tahay waxa ayna gabadhan ka adkaatey Musharaxiinta kale ee Mohamed Nuur iyo Phyllis Kahn oo horey kursigaasi u haystay.

Natiijada Doorashada oo la shaaciyay ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ku guuleysatay iyadoona heshay codad gaaraya 41%, Musharaxa kale ee Soomaaliyeed Mohamed Nuur ayaa isna helay 30%, halka Musharax Phyllis Kahn iyana heshay 29% codadkii la dhiibtay.

Taageerayaasha gabadhan Soomaaliyeed ee guuleysatay ayaa si weyn ugu farxay Guusha ay gaartay , waxa ayna Ilhaan dhankeeda muujisay sida iyana ugu faraxsan tahay in ay kamid noqoto golaha deegaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.