X

Gabadh Somaliyeed oo wacdaro ka dhigtey Maraykan tartan quruxeed: SAWIRO

Gabar Asalkeeda Soomaali yahay balse heesata dhalashada dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay waxa ay ka qeyb gashay iyada oo jirkeeda asturan tartan dhinaca quruxda ah oo loo qabtay gabdhaha gobolka Minnesota,.

Xaliimo Aadan oo 19-sano jir Soomaali ah ayaa lagu dhax arkay tartankan quruxda loogu tartmayay iyada oo xiran dharka caanka ku yihiin gabdhaha Musiliinta ah, waxa ayna tartanka quruxda ay ka gashay kaalin fiican.

Waxa ay Xaliimo kamid noqotay 15-ka qof ee ugu horeeyay gabdhaha tartankan quruxda ka qeyb galay, waxa ayna taageero badan iyo bogaadin ka heshay taageerayaal u badan haween oo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Xaliimo oo ku dhalatay dalka Kenya iyada oo yarna la geeyay Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay tartanka ay ka qeyb gashay , waxa ayna tilmaantay rajaynayso in ka qayb qaadashadeeda tartanka quruxda ay dhiirrigalin u noqoto dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan iyaga oo xiran dhar jirkooda asturaya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.