X

Gabadh uu dhalay Trump oo taageertay Ilhaan Cumar

Gabadh uu dhalay Trump ayaa taageertay Ilhaan Cumar oo bisha koowaad ee sanadka 2019 iman doonta aqalka cad ee Maraykanka kursigeeda ku fadhiisan doonta. Ilhaan Cumar ayaa ka mida xisbiga Dimoqraadiga ee haleelay guusha aqalka hoose ee dalkaasi.


Ivanka Trump ayaa taageertay sharci ay dimoqraadigu soo dhigayaan golaha oo sheegaya in haweenka Muslimka ay daboolan karaan timaha. Hadda ma jiro sharci sidaasa taasna waa isbedel weyn.


“Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay.

Ilhaan ayaa noqonaysa markale qof isbedel ka samaysa aqalka cad ee Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.