Gabar yar oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Marooko balse ku dhalatay gudaha dalka Jarmalka ayaa waxeey mindi dhuunta ka galisay mid ka mid ah ciidamada Booliiska dalka Germany taas oo gaarsiisay dhaawac halis ah .
Gabadhaan oo 15 jir ah waxaa lagu magacaabaa Safia waxeeyna weerar midi loo adeegsaday ku qaatay ciidamo Booliis Jarmal ah oo ku sugnaa xarun tareemada laga raaco oo ku taal magaalada Hannover ee dalka Germany .
Hooyada dhashay gabadhaan yar ayaa sheegtay inay dhawaan gabadheeda ka soo celisay Xuduuda u dhaxeysa wadamada Turkiga iyo Siiriya xili ay dooneysan gabadhaan in ay ku biirto kooxda Daacish .
Gabadhaan yar oo ka xumaatay booliiska dalka Jarmalka oo u fududeeyay hooyadeed inay soo celiso gabadheeda ayaa ugu dambeyntii markii lagu soo celiyay gudaha dalka Jarmalka waxeey Midi ku dishay kuna dhaawacday Askari Booliis ah oo iminka qaliin deg deg ah lagu sameeyay .
Baaritaano dheer ka dib ayaa waxaa la ogaaday in gabadhaan yar laga duufsaday dhanka aalada Internet-ka taas oo daawan jirtay maalin kasta muuqaalo ay soo bandhigaan kooxda Daacish kuwaas oo ka dalbaday taageerayaashooda inay weeraro ka geestaan wadamada ay ku sugan yihiin gaar ahaan kuwa ku nool qaarada Yurub .
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS