X

Gabar Ardayad ah oo lagu dilay Muqdisho iyo cida dishey

Gabar Ardayad ah ayaa lagu dilay Muqdisho xilli dadaal dheeri ah loogu jiro in magaalada laga qabto kooxda gaalaynta Muslimiinta oo xasuuq ba’an ka wada.

Allaha u naxariistee Caasha Cali Saneey oo aheyd 14 jir ayaa dhiganeeysay mid kamid ah dugsiyada ku yaalo Muqdisho.


Gabadhaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay ka soo baxday dugisga ay dhiganeeysay oo ku yaala Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir.

Hooyada dhashay gabadhaasi oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye oo la hadashay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in aanay garaneeynin sababta gabadheeda loo dilay.


Hooyada ayaa sheegtay in kooxda dishay gabadheeda ay muddo ku murmayeen dilkeeda iyaga oo ugu dambeeyntiina dilay.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda dilka geeystay ay ahaayeen burcad gabadha dhimatay moobilka ka qaadanayay.


Daraad ayay ahayd markii Gaalkacayo lagu diley haweenay markii ay isku daydey inay iska difaacdo tuugo dhacaysay.

C/llaahi Warmpooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.