X

Gabdhaha gobolka Banaadir oo ku guulaystey koobka kubada koleyga ee gabdhaha: SAWIRO

Waxa goor dhawayd dhamaatey ciyaar xiiso leh aadna u adkayd oo dhexmartey gabdhaha gobolka Banaadir iyo kuwa maamulka Hirshabeele. Ciyaartan ayaa maamulka Hirshabeele looga adkaadey 66 iyo 46.

Ciyaartan oo aad u xiiso badbayd ayaa aad looga daawaday daafaha dunida inkastoo tayada muuqaalku aanu fiicnayd.

Gabdhaha gobolka Banaadir ayaa muujiyay karti iyo xirfad dheeraada iyagoo markasta ku hormarayay goolka, ayna ahaayeen gabdho laga yaabay xirfadooda.

Waa koobkii ugu horeeyay ee lagu qabto meel ka baxsan caasimada intii burburku yimi waxayna muujinaysaa in tartamada noocan ah uu keenayo nabad iyo dhalinta oo ka soo noqdo falalka xun xun.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.