X

Gabdho Somaliyeed oo ku shil ku galay Maraykanka

Laba gabdhood oo Somaliyeed ayaa ku dhintey shil ay ku galeen dalkaasi Maraykanka wadooyinkiisa mashquulka qaarna faaruqa yihiin. Amaal Maxamed , Anisa Maxamed ayaa la sheegay inay shilkaasi galeen.


Waxaa uu sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Amina Maxamed oo la dhalatay labadda Gabdhood ee geeriyooday.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee goobta uu falku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in Gabadhaha ay geeriyoodeen ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen oo xowli ku socday uu ku dhacay Gaari kale.


Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay Markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.

Dhawaan ayay aheyd Markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib  markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.