X

Gacan ku dhiigle Salmaan oo sheegta boqor oo 180 ruux ku xasuuqay Yaman

Gacan ku dhiiglaha ka taliya Sucuudiga ee sheegta boqornimada ayaa xasuq foolxun ka gaystey shalay caasimada Yaman halkaas oo xasuuqu marayo ilaa 180 qof oo ka qaybgalayay aas.

Dhaawaca ayaa tiradoodu cirka maraysaa markii diyaaradaha Sucuudigu weerarka ku ekeeyeen aaskaasi dadka badani joogeen. Culimada wahaabiga ayaa diinta ka saaray dadka Shiicada ah waana sababta uu dagaalka iyo xasuuqa uga wado Yaman kadib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xoogaga Xuutiyiinta oo uu dabada ka riixayo madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Xasuuqan oo ah kii ugu xumaa ayaan la garanayn diyaaradaha gaystey in ay yihiin kuwa Yuhuuda iyo Maraykanka iyo kuwa Sucuudiga.

War ka soo baxay warbaahinta gacan ku dhiigle Salmaan ayaa lagu sheegay in ay baadhi doonaan xasuuqan. Hubka uu ku gumaadayo masaakiinta rootiga raadinaya ayaa waxa ka iibiya Maraykanka, Ingiriiska iyo Yuhuuda.

Dadkii ka badbnaaday iyo hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka ee iyagunas joogey aaska ayaa sheegay in ay diyaariyeen aaska 300 oo qof.

 Marasykanka oo gacan ku dhiiglaha ka caawiya hubka iyo sirdoonka goobta diyaaradihuusu weerarayaan ayaa iyagu walaac xoogan ka muujiyay xasuuqa shacabka iyo ilaha dhaqaalaha ee gacan ku dhiigle Salmaan weerarayo.

Hoos ka daawo diyaaradaha oo ilaa sadex jeer gantaalo la dhacay goobta aaska.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.