X

Gacan yaraha Taram oo sheegay in xiriirka Wahaabiyada Sacuudiga iyo Yuhuudu aanu sii qarsoonaan doonin

Kadib markii xalay xagjir Taram sheegay inuu dibedda u soo saaray xiriirka Yuhuuda iyo Marooko oo ahaa mid jirey laakiin aan sidaa u uurnayn ayaa gacanyaraha Taram oo qaba gabadhiisa uu shaaca ka qaaday in xiriirka Yuhuuda iyo wahaabiyada Sacuudiga uu sii qarsoonaan doonin.



WahabiyadaSacuudiga iyo Yuhuuda ayaa muddo dheer xiriirku toos ahaa ayadoo dhinaca kalana wadamada Muslimka ah loo sheegi jirey in aanu jiri wax xiriira. Diyaaradaha Yuhuuda ayaa muddo dheer isticmaali jirey hawada Sacuudiga.


”Ma dheera xilliga Sacuudiga iyo Yuhuudu xiriirkoodu caadi noqon doono oo uuna qarsoonaan doonin ayuu yiri Kosher. Waxa la filayaa in inta xagjir Taram jagada ka tagin uu saxiixu dhaco oo ay u noqoto taariikh uu ku faano Taram.

”Keliya waqtiga ayaan sugeynaa ayuu raaciyay gacanyaraha Taram.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.