Tababar ayaa Ciidanka Dawlad Gobolleedka Galmudug State waxa loogu soo geba gabeeyey Magaalada Cadaado Ee Xarunta Kumeel Gaar Ah Ee Galmudug.
Munaasabada loogu soo xirayey Tababarka Ciidankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeral Maxamed Xasan Xaamud,Madaxweynaha Galmudug C/kiriin Guuleed iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey.
Afar Boqol Askari oo Boolis ah ayaana loo tababaray Galmudug iyadoo Taliska Booliska Soomaaliyeed ay tababarkaasi soo agaasimeen.
Waxa Madaxweyne Guuleed iyo Kuxigeenkiisa Mr Carabeey ay Garaadooyin uxireen Ciidankii Tababarka loo soo xiray,kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya sugida Amniga Doorashada Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS