X

Galmudug oo eedayn u jeedisay maamulla Puntland iyo xisbiyada qaar

Madaxda Galmidug oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha barlamaanka ayaa eedayn kulul u jeediyay maamulka Puntland iyo qaar ka mida xisbiyada qabaliga ee mardhow uun la ansixiyay.


Gudoomiye Cali Gacal Caasir oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay wadaan faragelin ay ku hayaan Siyaasada arrimaha gudaha ee Galmudug,waxaana uu ka dalbaday inay joojiyaan.


Waxaa sidoo kale uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.


Waxaan leenahay haddii aanad ka shaqaynayn isku soo dhaweyneynta Madaxda Galmudug aysan kala fogeen.

C/llashi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.